Taariikh Nololeed ee Xiddiga weyn Lionell Messi

Magiciisa oo buuxa waa Lionel Andrés Messi waxaa uu dhashay 24-kii June 1987-dii waxaana uu kudhashay maagalada Rosario, ee wadanka Argentina hadana waa 23 jir.

Waa ciyaariyahan uciyaara kooxda Barcelona ee wadanka Spain iyo xulka Argentina waxaana uu kaciyaara qadka dhexe ee weerarka ama garabka isagoo wax ku cadaaba lugtiisa bidix dhirirkiisu waa 1.69 mitiri oo udhiganta (5 ft 7 in) namabarka uu xulkiisa iyo kooxdiisa uqaatana waa nambar 10

Lionel Andrés Messi waa wiilka ay dhaleen lamaanaha Jorge Horacio Messi, iyo ……

 Celia María Cuccittini, Messi aabihiis Jorge Horacio Messi waxaa uu ahaan jiray shaqle warshadeed halka hooyadii Celia María Cuccittini ay aheyd haweeney dhulka nadiifisa o ushaqeyn jirtay shirkad Talyaani ah oo fadhigeedu ahaa Argentina

Messi waxaa uu leeyahay oo ladhashay 2 wiil oo isaga kaweyn oo lakala yiraahdo Rodrigo iyo  Matías iyo gabadha layairaahdo María oo ah 20 jir isaga kayar waana qofka uu ugu jeclyahay qoyskiisa

Qoyska Lionel Andrés Messi 6 sano kahor waxaa ay ahaayeen dad sabool ah dunida halka maanta ay kayihiin dad kamida kuwo ugu hodansan qaarada yurub

Bilawgii xirfadiisa kubada cagta

Messi waxaa uu bilaabay in uu kubada cagta ciyaaro isagoo 5 jir ah waxaana uuu kamid ahaa koox xaafdeed uu tababare u ahaa abihiis Jorge waxaana kooxdaasi la oran jiray Grandoli,

Messi Barcelona

1995-tii messi waxaa uu kubiiray oo abihhii uu ufasaxay in uu uciyaaro kooxda Newell’s Old Boys xili ay kooxda River Plate oo kamida kooxaha heerka koowaad ee wdanka Argetina dooneysay in ay qaadato Messi oo ay bishii siiso aduun dhan $900 sagal boqol oo dollar

Laakin aabihii Jorge ayaa kabiyo diiday in wiikiisu uu uciyaaro kooxda River Plate oo uu aad nacebaa waxaana uu Messi sidaa kula biiray kooxda Newell’s Old Boys waxaana uu uciyaarayay ilaa 2000

Messi oo ahaa nin farsamo badan ayaa maalin maalmaha kamida waxaa idhihiisu qabteen agaasimihii hore ee ciyaaraha ee kooxda Bacelona Carles Rexach waxaana uu go,aansaday in uu dawado kulamo bdan oo uu ciyaaro messi waxaana uu uqanciyay si kabad badis ah

Carles Rexach ayaa go,aansaday in kooxda Barcelona uu uhadiyayoo ninkaan gaaban waxaana uu wadahadal labilaabay aabihiis isagoo kuqan ciyay in xidigaan loo raro mustaqbalkkiisa yurub wuuna ka aqbalay

Waxaana ay waqtigaa aheyd 2000 wuxuuna ahaa 12 jir waxaana Messi iyo qoyskiisuba ay usoo guureen qaarad yurub halkaa ayuuna kabilaabay xirfadiisa isagoo lagu dadaray xidigaha yar yare e kooxda Barcelona ee kusgan halka loo yaqaano Lamasia oo ah xerada tababarka ee Barcelona

Leo intii uu yaraa mar ayaa laga daweyay cudurka gaabnidda sida uu sheegay nin dhaqtar ah oo hadlay xili uu messi isagoo laacib weyn ah uu booqday wadankiisa  Argentina

Waayihiisa Barcelona 

Messi oo noqday ninka looga jecelyahay xerada tababarka ee Barcelona ayaa markii ugu horeysay usaftay kooxda waaweyn ee Barcelona 16-kii  November 2003-dii waxaana uu xiligaa jiray 16 sano iyo 145 cisho waxaana ay aheyd ciyaar saaxiiibtinimo oo udhaxeysay kooxdiisa iyo naadiga reer Portgal ee Porto

Leo Messi

Sanadkii xigay ayaa Messi waxaa macalinkii hore ee kooxda Barcelona Frank Rijkaard u ogolaaday in uu ciyaaro kulankisii ugu horeyay ee horyaalka Spain ciyaar udhaxeysay Barcelona iyo Espanyol taas o dhacday 16 –kii October 2004 –tii waxana uu waqtigaas jiray Messi 17 sano iyo 114 maalmood

Messi waxaa uu kulankaas noqday ninkii ugu da,dayaraa ee uwada ciyaaray juunyarta Barcelona iyo kooxda waaweyn waxaase rikoorkaas kajabiyay ninka ay isku kooxda yihiin Bojan Krkić 2007-dii

2005-tii ayuu Messi noqoday ninkii ugu da,dayara ee gool kadhaliya horyaalka Spain kadib markii uu gool kaxareeyay kooxda Albacete Balompié oo waqtigaa ciyaareysay horyaalka heerka koowaad waxaana uu xilgaas jiray 17 sano iyo 7 maalmood waxaase rikoorkaas markale kajabiyay Bojan Krkić kaas oo dhaliyay gool uu kazoo shaqeyay Messi 2007-dii

Hormarka xidigan waxaa fure u ahaa oo indhaha ukala qaaday macalinkii hore ee kooxda Barcelona Frank Rijkaard Messi ayaa yiri goor hore “nolaheshyda ma iloobi doona macalinkeygii hore Frank Rijkaard waa abahey oo kale wuxuu ahaa qofkii kadanbeeyay guusheyda”

2005-06 messi waxaa loo magacaabay inuu isku qaato 2 –da magac oo ay kala wataan  Maradona iyo Pelé ee aha boqorka kubada cagta iyo mucjisada kubada cagta

Ninka lagu naaneyso New Maradona waxaa uu waqti badan sugayay in uu kazoo muuqdo koobka ugu xamaasada badan qaarada yurub ee Champions Legue

27-kii  September 2005-tii ayuu Messi ciyaaray kulankiisii ugu horeyay ee koobka horyaalada yurub ciyaar udhaxeysay kooxaha Barcelona iyo kooxda Reer Talyaani ee Udinese.

Ciyaartaa waxaa uu Messi kusoo galay badal waxaana lagu badalay aabihii hore ee Barcelona Ronaldinho waxaana u istaagay 94 kun oo qof oo kusugneyd Camp Nou, waxaana uu noqday ninkii ugu badnaa ee dad u istaageen ee badal lagu keeno taariiqda kooxda Barcelona

17 kulan oo sanadkaas uu kaciyaaray horyaalka 6 gool ayuu dhaliyay waxaana ay tasi sahashay in tababarihii hore ee kooxda Barcelona Rijkaad uu Messi usoo xushay in uu ciyaaro 7 –dii March 2006,-di ciyaar udhaxeysay Barcelona iyo Chelsea xiligaas oo ay Barcelona kuguuleystay koobka horyaalada yurub iyo horyaalka Spain

Messi waxaa waqtiga wixii kadanbeeyay laso baxay mucjisooyinkii Maradona waxaana uu hormaarkaas kumuteysta Messi in uu helo dhalashada muwaadinmada ee wadanka Spain oo ay adag tahay sida lagu helo

Messi waxaa uu garoomada kusoo galay nambaro kala duwan sida 30 iyo 19 laakin waxaa uu sidaas kusocdaba 1-dii October 2008-dii ayuu messi kusoo galay nambarka 10 aad oo uu wadan jiray saaxiibkiis Ronaldinho ciyaar udhaxeysay kooxaha Barcelona iyo Deportivo La Coruña

Markiisii ugu horeysay oo uu Messi dhaliyo goolashga looyaqaano hat-trick waxay aheyd 2009-kii ciyaar katisaneyd Copa del Rey oo udhaxeysay kooxaha Barcelona iyo naadiga Atlético Madrid taas oo kudhatay 3-1

Ghuud ahaan Lionel Messi waxaa uu usaftay kooxda Barcelona tan iyo 2004-tii 172 kulan waxaana uu dhaliyo 117 waana tiro isku cel celis ahaan kabadan 2-dii kulanba 1 gool

Messi waxaa xidig dhaawac badan oo markasta dhawacma waxaase uu nasiib uleeyahay in uu dhaqso soo laabto dhaawcii ugu badnaana waxaa uu ahaa 1 bil oo uu garoomada kamaqnaa

Bilawgii 2010-kii macalinkii hore ee xulka Arjatina Diego Maradona, oo ah taageero weyn oo ay leedahay kooxda Real Madrid ayaa sheegay in Messi uu kadhaadhicin doono in uu uwareego dhanka Real Madrid laakin Barcelona oo taas kaduuleysa ayaa Messi kasxiixatay heshiis gaaraya 2014-ka

========= Lasoco Qaybta 2-aad