Hamit Altintop

jariiradaha kasoo baxa dalka turkey badonkoodo waxay cadeeyeen in Hamid Altintop uu ku biiri doono weak soo socda si rasmi ah naadiga RealMadrid, Hamid Altintop oo noqon doona ciyaartoygii labaad ee udhasha dalka turkey ee ku biira naadiga realmadrid laba weak gudahood, halka isniintii hore ey heshiis cusub lagalayn Nouri Sahin oo kasoo jeeda isna wadanka turkey

Hamid Altintop waxa uu ciyaari doonaa naadiga bayern munich ciyaartiisii ugu danbeysey sabtida, waana uu sii macasalaameyn doonaa, isaga oo usii jeeda caasimadda dalka spain “REALMADRID” si uu uga mid noqdo ciyaartooyada uu dalbadey tobabare jose mourinho

Hamid Altintop waxa uu ugu soo wareegayaa naadiga realmadrid bilaa lacag, sababtoo ah waxaa kadhamaadey heshiiskii uu kula jirey naadiga bayern munich sidaa daraadeed ayuu uwareegayaa