José María Callejón

RealMadrid oo ciyaartoygii 3-aad soo iibsatey iyadoo udiyaar garowbeysa sanadka danbe kadib markii ey maanta heshiish cusub lagaleen weeraryahanka u safta naadiga RCD Espanyol heshiiskan oo dhan 5 sano

warkan oo ey ku faafisey website naadiga ayaa waxay ku sheegtey in José María Callejón (24 jir) in uu hore ugu saftey dhalinyarada dalka spain iyo naadiga realmadrid oo uu hore ugu ciyaari jirey isago oo katagey 2007-2008, laakiin nasiib wanaag waxa uu kusoo noqdey gurigiisii hooyo

José María Callejón waa ciyaartoygii saddexaad oo heshiis lagalo jose mourinho si uu usoo afjaro guulaha naadiga barcelona

jose mourinho waxa uu hore heshiis lagalay Nouri Sahin iyo Hamid altintop oo labaduba kaso wareegey league Bundesliga-ha