Johan Elmander

Wareeryahanka udhashey dalka Sweden ayaa heshiis cusub qalinka kula duugey naadiga kadhisan dalka turkey Galatasaray, heshiiskan oo dhacay maanta oo ah isniin

Johan elmander oo udhaliyey naadiga Bolton 10-goal intii uu socdey premier league ayaa naadiga galatasatarey waxay uqortey mushahar ahaan lacag gaadheysa 1.8 million sanadkiiba

Galatasaray oo sanadkan hoos udhaadhacdey, kana gashey league turkey kaalinta 8-aad ayaa rabta in ey sanadka danbe isa soo canaanato oo keentu ciyaartooyo cusub oo tayo leh, halka naadiga xafiiltanku ka dhexeeyo jaarkana ey yihiin fenerbahce ey cupkii hanatey oo ey qaadey

Johan elmander waxa uu kasoo ciyaarey naadiyaal faro badan oo kadhisan dalka Sweden, waxaa kaloo uu kasoo ciyaarey feyenoord ka dhisan dalka holland iyo Toulouse kadhisan dalka france, haddana waxaa laga soo iibsadey naadiga Bolton oo kamid ah naadiyaasha premier league