Faysal toosh

Waa arin muuqata in ay-naan wali fahmin meesha ay beeshu ku degtay hayaankii dheeraa ee la soo galnay isla markaasina sababayna dhimashada dhaawaca iyo burburka dhaqaale iyo xagaynu ku danbaynay doog iyo abaar midka ay tahay manayunaan fahmic Dekeda ay ku xidhatay doontii aynu soo raacany labaatanka Sanadood ka hor iyo dalka ay ku taalo midna balse waxynu wali u eegnahay  in uu Naakhuudihii doonta waday inaga hortaagan yahay  Magaalda in aynu hore u galno waxaanda moodaa in aynu ku asqawnay mawjadihii badwanta ee aynu soo dhex soconay mudada dheer waxaana wali inaga muuqda daal iyo jaho wareer maskaxiyan ah oo uu reebay  Tahriibkaa aynu ku soo jirnay mudada Sanadaha badan aha waxaan u jeeda bulshada Reer Somaliland wali waa  kuwo ka oodan ama qariib ku ha dunid inteeda kale oo ay ku adkaatay in ay la  laqabsadaan sidii ay ula noolaan lahaayeen sababo badan oo jira awgood  

 

 

Hadaba hadii aynu u soo noqono dulucda ujeedada mawduucenan oo daba socota hadalkii uu war baahinta siiyaya Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Xuseen (In Cali Waraabe) 21/05/2011-ka runtii waxay ahayd Su,aal fiican Su,aashii uu ina waydiiyay ee ahayd xageebaynu joognaa? waana sax in la si waydiiyo meesha aynu ku suganayan iyo halka aynu marayno mana odhan karo way soo daahday Su,aashaasi balse waxy timid wakhti ku haboon waxaanay u baahantahay in looga jawaabo si degen oo ka dheer caadifad kana dhawrsoon buuq iyo jaho wareer xaqna wuu u leeyahay Gudoomiyuhu in uu ka hadlo masiirul qaraarka shacabka iyo sida uu noqon doono mustaqabalka  maadaama uu yahay masuul qaran man aha arin la dafirki karo duruufta iyo waayaha qalafsan ee ku xeeran ama ay ku  noolyihiin dadka reer Somaliland gaar ahaan inta ku dhaqan wadanka gudihiisa sida uu gudoomiyuhuba ka dhawaajiyay

 

Duruufahaas oo ay kow ka yihiin shaqo la,aanta baah-san iyo walwalaka dhalinta soo koraysa ee ku aadan tahriibka is miidaaminta ah sababyna Geerida faraha badan ee ay ubadkeenii maalin walba bada ugu daadanayaan kadib markii ay dareemeen ama ka wabiyeen xaalad guracan ee uu dalku marayo waxaa iyan jirta Cudurada dilaahga ha ee aan lahay dhakhaatiir ka dawaysa iyo amuuraha badan een qalinka lagu soo koobi karin ee weheliya sidoo kale aanay muuqan rajo iyo il u muuqata oo lagaga gudbi karaan waase ilaahay mahadii kol hadii ay arkeen qaar ka mid aha masuuliyiintii dalka ugu saraysay kuna baraarugee in meesha aynu joognaa aanay ahayn Gurigii loogu talo galay in beesha lagu furo ma la dajiyo

Si/daraadeed waxaan odhan lahaa Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe waad ku mahdasantahay dareenka masuuliada xanbaarsan ee aad ka muujisay xaalada dalka ee cakiran run ahaantiina waxaad moodaa in masuuliyiinta dalku ay ku mushquulsan yihiin oo kali ah danahooda gaarka ah waxaase haboon in ay ilaahay kaga yaabaan danyarta ku dhex tabaalaysan wadanka eenu ceelna u qodnayn cidina u maqnayn ee awooda u waayay caruurahoodii in ay ka bixiyaan isguulada aan tayada fiicnayn ee ay dawladu maamusho

Dhinac kale waxaa muuqata in ay dawlada cusub ee Somaliland bedeshay siyaasadii guracnayd ee ku salaysnayd oodnaata ee aynu ku foof seegnay labaatan ka sanadood waxaanan ku soo koobi lahaa mawduucan hanbalyao aan u diyaayao Wasiirka Ar/dibda ee Somaliland oo aad mood in uu wax badan fahamsan yahay waxaana leeyahay wasiir waxaad haysaa shaqadii qaranka ee laguu igmaday waana kugu  waajib in aad danta qaranka meeshii ay ku jirtaba aad ka daba gasho

Shacabkana waxaan usoo jeedin lahaa oon odhan lahaa ka daayay Dawlada xag-xagashada iyo mucaaridad bilaa u jeedad ah Dawladu iyadaa u xil saaran hawlaha qarankae

Name: Faysal  Ismaciil Barre

Locatiom: Hargaysa

Email: barre58@hotmail.com