mario balotelli

Waxa war lahuba ah in weeraryahanka naadiga manchester city Mario balotelli oo kamaqnaan doono ciyaarta uu talyaanigu la leeyahay wadanka stonia, ciyaartaas oo kamida isreebreebka euro 2012 (qualification), waxaa kaloo kamaqnaan doonaa ciyaarta saaxiibtinimo ee ay laleeyihiin Republic of Ireland

Mario balotelli oo ku dhaawacmey tobabar lasiinayay xulka dalka talyaaniga (under 18), dhaawacan oo soo gaadhey salaasadii ina soo dhaaftey

Waxayna caddeeyeen dhakhaatiirta xulka dalka talyaaniga “haddii lasoo geliyo ciyaaraha soo socda Mario balotelli ama uu kasoo qayb galo, waxaa laga yaabaa in ey saameen xoogan ku yeelato dhaawiciisa kuna sii dheeraato wakhtiga ey qaadanayso dhaawiciisu, sidaa daraadeed waxa uu ubaahanyahay in lasiiyo maalmo uu ku nasto oo uu kaga bugsado dhaawacan soo gaadhey”

Xulka dalka talyaaniga oo hogaaminaya GROUP C, lehna 10 dhibcood