Higuain

 

Jariiradu farabadan oo kasoo baxa dalka England ayaa qorey saaka in weeraryahanka naadiga realmadrid “Gonzalo Higuain” ay hal beeg ka dhigteen naadiyaal farobodan oo katirsan wadanka ingiriiska waxaana ugu cadcad naadiyaasha kala ah arsenal, Tottenham iyo Manchester city

Waxay kaloo sheegeen in naadiga realmadrid ey diyaar uyihiin iibsashada “Gonzalo Higuain” weliba waxay kaloo ku dareen in qiimihiisu aanu hoos marin 15 million euro ah

Sanadkii dhaweetana waxa uu ciyaarey 25 ciyaarood waxaana uu dhaliyey 13 goal, waxa uu maqnaa afar bilood oo isku xiga dhaawac awgii

Waxaa aad uxiisaynayana ciyaartoygan naadiga arsenal oo laga yaabo in ey ciyaartooyo farabadani oo katirsan naadiga arsenal katagaan sida cesc febregas, samir nasri, andry arshavin iyo rubin van persei