john terry


Xulka dalka England oo kuguuldaraystey in uu dhaafo dalka Switzerland lana galay barbardhac ku dhamatey 2-2, ciyaartan oo kadhacdey garoonka Wembley ee ku yaalla magaalada London, ciyaartani waxay kamid ahayd isreebreebka euro 2012 oo lagu qaban doono labada wadan ee kala ah Poland iyo Ukraine

Qaybtii hore ee ciyaarta waxa uu ingiriisku lumiyey fursado farabadan oo noqon karaayey goal, halka dalka Switzerland oo heley laba jaanis ubedeley laba goal, qaybtii horena waxaa lagu kala nastey 2-0 oo ey leeyihiin xulk dalka Switzerland

Qaybtii labaad markii la isku so noqdey ayaa xulka England waxa uu heley goal kulaad oo uu dhaliyey frank lampard oo kasafta naadiga Chelsea, goalka labaadna waxaa saxeexey ciyaatoyga Ashley young oo beddel kusoo galay ciyaarta

England waxay kaga jirtaa groupkeeda kaalinta 2-aad, 11 dhibcood bey leedahay halka xulka dalka Montenegro uu leeyahay 12 dhibcood iyo kaalinta koobaad

Montenegro oo saddex dhibcood ka hantidey wadanka Bulgaria kaga adkaateyna