Walaaladeyda sharafta leh maanta waxaynu soo gunaanadeynaa mushkiladii inaga haysatey sida aad u heli lahayd antivirus Free ah oo aan lacag lagu weydiineyn.

Sidaa daraadeed waxaanu maanta helney barnaamij layidhaahdo Kasparsky antivirus, hawshuna wey iska fududahay.

Sideynu ognahay shirkada kasparsky waxay bixisaa mudda 30-cisho ah oo free ah oo tijaabo ah, waxaa arrin lalayaabo ah in eynu 30-kaa cisho eynu kadhigano intaad nooshahay oo dhan waxaanad umaraysaa markasta oo ey soo dhawaato in ey kadhamaato 30-ka cisho ayaad dib ucusbowneysiineysaa oo soddonkii dib ugu celinaa tusaale ahaan waxaa kaaga hadhey muddadii aad isticmaali lahayd hal maalin oo qudha waxaad kusoo cesheneysaa 30 saasaanad uwadaysaa 30-kaa  cisho madhamaadaan.

Marka hore:- waxaynu tala saaraneynaa alle in uu hawshaa inugu guuleeyo

Sidaad ka aragtaanba sawirkan aniga waxaa iiga hadhey muddada isticmaalka barnaamijkan 25 cisho waxaana rabaa in aan ku ceshto 30-kii cisho.

Sidaad sawirkanba ku aragtaan waxaad ku dhufeneysaa Setting

waxaad katagaysaa OPTION  waxaanad tigta ka qaadeysaa eneble self depence

Markaad intaa qabatid waa in aad iska xidhaa kasparsky,waxaanad ka xidheysaa meesha saacadu taalo waaka agyaala kasparsky halkaas ayaad right click intaad siisid ayaad EXIT odheneysaa.

Intaa ka dib waxaa loo guurayaa qaybta RUN

Waxaanad ku qoreysaa REGEDIT

wixii intaa kadanbeeya lashaqee oo sawiraanta sii raac uun

markaad halkaa aad maraysid (Enviroment) waxaad kasii tegeysaa qaybtiisa kale ee dhinacan kale dabeeto waxaad kadooranaysaa (PCID) ayaad right click siineysaa than modifey ayad kadooreynaa

sawirkan bal eeg

Ogeysiis: Halkani waa meesha ugu muhiimsan waa in aad iska ilaalisaa 

markaa click aad modify siiso waxaa kuu soo baxaya windows (daaqad) noocan oo kale ah

waa in aad bedeshaa xaraf ama number kamida ID-ga halkan ku qoran si aad u heshid 30 cisho danbe oo cusub

xarafka aad bedeleysaa waa in uu udhexeeyaa A-F, Numberkuna 0-9

tallaabada ugu danbeysa ee aad qaadeysaa waxa weeye dib ayaad usoo kicineysaa kaspersky dabeeto wuxuu kusiinayaa trial version oo new ah

intaa kadib waxaad calaamadii kusoo celineysaa meeshii eynu markii hore kaqaadney ee ahayd self defense