David Villa

Weeraryahanka kooxda Barcelona iyo xulka spain david villa ayaa ugu baaqey kooxdiisa in ey lasoo wareegto kaptanka kooxda arsenal cesc fabregas isagoo sheegey in uu qalmo in uu kusoo laabto kooxda Barcelona

Ciyaaryahan oo hore uga tirsanaan jirey akaadamiga naadiga Barcelona ayaa in badan sheegey in uu jecel yahay in uu ku laabto gurigiisii hooyo, laakiin in heshiis laga gaadho arrintaas ayaa inbadan lagu guuldareystey

Fabregas ayaa lagu waramaayaa in uu yahay ciyaaryahanka ugu horreeya ee kooxda Barcelona raadineyso, inkastoo naadiga arsenal aanu weli dooneyn in u fasaxo ciyaartoygan oo uga fadhiya qiimo weyn