Xavi

Ciyaaryahanka khadka dhexe uga safta kooxda barcelona iyo xulka dalka spain Xavi Hernandez ayaa amman usoo jeediyey kooxda barcelona oo uu ku tilmaamey in ay tahay kooxda ugu wanaagsan 20-kii sano ee la soo dhaafey, isagoo si gaar ah u ammaaney leonel messi oo uu sheegey in uu ka wanaagsan yahay Pele, Maradona iyo Johan Cruyff 

Xavi Hernandez waxa uu sheegey in messi uu yahay ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida wixii so maray ciyaartooyo isagoo tilmaamey in uu ka wanaagsan yahay mucjisadii kubabadda cagta ee dunida maradona iyo boqorkii kubbadda cagta dunida Pele

dhinaca kale Xavi waxa uu ammaaney kooxda Manchester united oo ay ka qaadeen koobka Champions League, oo uu sheegey in ay si wanaagsan ula ciyaareen, waxa uu muujiyey in RealMadrid ay aheyd kooxda ugu adkayd ey waajaheen, laakiin aaney ciyaar wanaag aanay ku adkeyn, balse ey ciyaar xumo garoonka lasoo galeen

kooxda barcelona ayaa xilli ciyaareedkii dhamaadey guulo faro badan  gaadhey iyadoo markoodi saddexaad oo isku xiga ku guleystey koobka horyaalka spain sidoo kalena hantay koobka horyaalka europe markoodii labaad muddo 3-sano ah