Magaalada Gaalkacyo maalintii intaad dhex socotid waxaad arkaysaa baabuur nooca xaajiya khamsiinta loo yaqaano oo korka ka saaran sameecado waaweyn iyo makarafoon.

Nin la yiraahod Ilbir ayaana ka dhex qaylinaya makarafoonka isagoo ka hadlaya ama xayeesiin ku sameynaya filinka caawa socda.

Filinka haduu yahay Hindi Mr. Ilbir sidan ayuu u xayeesiinayaa: “Waa filin cusub waxaa idiin wada gabadhii wajiga barta ku lahayd iyo inankii dheeraa ee tinta jilicsanaa. Filinka wuxuu leeyahay Shan feer iyo todoba hees yuusan ku dhaafin. Ninkuu dhaafaa waa eey eey dhalay naagtuu dhaafaana waa doofaardoofaar dhashay. Atooruhu haduu dhintu lacagtaadu waa celis!”.

Haduu yahay kuwa jabaanka loo yaqaan: “Waa filinkii laga dabadhacay atirisho kuma jirto. Atooruhu waa bisada ceegada ku dilay waana nin waalan baabuurka iyo baaskiilka iskusi ayuu uwadaa”

Haduu yahay kuwa loo yaqaan Maraykanka: “Waa filin cusub xodxodashadu way ku yar tahay kufsiga dhaca iyo boobka ayaa ku badan. ninkii laga waayaa caawa filinkan waa eey eey dhalay”.

Markaad shineemda gashid halkii laws iyo nacnac iyo wax la mid ah lagu dhex iibin lahaa laba nin ayaa kusoo agmaraysa nina baaldi ayuu caano geel kuwadaa nina baaf hilib nimankaas oo ku dhawaaqaya cad iyo caano cad iyo caano..

Marka la gaaro waqtiga uu soo galayo BBC Laanta Af Soomaaliga filinka waa la joojinayaa , waxaana la dhageeysanayaa BBCda .Hadaad rabto bax hadaad rabto joog waa qasab in aad dhageeysato !!!