Lukaku

kooxda chelsea ayaa qarka u saaran in heshiis ay la sexeexato ciyaaryahanka da’da yar ee u ciyaara kooxda anderlecht ee lagu magacaabo romelu lukaku.

kooxda ayaa la sheegay in ay dabayaaqadii todobaadkan la yeelatay wada hadal kaas oo la sheegay inuu ku dhamaaday guul iyo is afgarad, ciyaaryahankan ayaa bartilmaameed u ahaa kooxo badan oo ka dhisan qaarada europe, gaar ahaan kooxda uu gacanta ku hayo jose mourinho ee RealMadrid iyo kooxda ka tirsan dalka yalyaaniga ee AC Milan.

hase ahaatee ciyaaryahanka ayaa si gaar ah u jecel kooxda chelsea mar la weydiiyey kooxda uu jeclaan lahaa in uu mar uun cago dhigto?,  waxa uu ku hadaaqey kooxda chelsea oo uu sheegey in ay tahay kooxdii uu ku hamiyi jirey tan iyo marki sabiga uu ahaa.

kooxda uu hadda u ciyaaro ee anderlecht ayaa sheegtey inay ciyaaryahanka ka iibin doonaan keliya kooxda dul dhigta lacag £20 milyan, ciyaaryahanka ayaa hadda da’diisu tahay 18 jir, hase yeeshee waxa uu xilli ciyaareedkii la soo dhaafey soo bandhigey ciyaar qaab dhismeedkeeda lala dhacay.

lukaku oo ka ciyaara weerarka ayaa kamid ah ciyaaryahanada uu ku taliyey tobabare Guus hiddink in kooxda lagu soo daro.

isku soo wada duudooboo, haddii kooxda chelsea todobaadada danbe soo xero geliso lukaku waxa uu noqonayaa ciyaaryayankii ugu horreeyey ee yimaada kooxda chelsea tan iyo markii uu dhamaadey horyaalka ingiriisku dibna u furmay suuqa kala iibsiga ciyaaryahanadu.

chelsea ayaa sidoo kale ku daba jirta laacinka da’da yare ee neymar iyo waliba ruuga cadaaga sniejder.