phil jones

Kooxda manchester united ayaa ku guuleysatay tartankii loogu jirey ciyaaryahanka phil jones oo u ciyaara naadiga Blackburn rovers, warar ka imanaya manchester united waxa ay sheegayaan in ciyaaryahanku hadda marayo baadhistii caafimaadka ciyaaryahanka ayaa bartilmaameed u ahaa kooxo badan oo ay ugu cad caddaayeen kooxaha liverpool, tottenham ,arsenal iyo kooxda manchester city

jones ayaa hadda ku biiri doona khadka difaaca ee kooxda manchester united, ciyaaryahanku waxa uu u baahnaan doonaa inuu sameeyo dadaal badan si uu helo boos joogta ah, isagoo tartan adag la geli doona ciyaaryahannada vidic, ferdinand, evans iyo smalling.

jones ayaa hadda da’diisu maraysaa 19 jir waxaanu muujiyey xilli ciyaareedkii lasooo dhaafey ciyaaro ay ku dhehan tahay kalsooni iyo awood qofnimo.

tobabaraha kooxda manchester united ayaa ciyaaryahanka darsayey muddo 18 bilood ah waxanu markasta ugu jirey qorshaha, hase ahaatee waxaa iminka si deg deg ah u bedelay niyada ferguson tartanka kaga yimid kooxo farabadan oo katirsan premier league.

si kastaba ha ahaatee jones oo hadda diyaar garoobaya inuu ka qayb galo tartanka dhalinta da’doodo ka yartahay 21 sano lagu qaban doono dalka denmark, waxa uu noqon doonaa ciyaaryahankii ugu horeeyey ee ku soo biira kooxda manchester united dhamaadkii xilli ciyaareedka