Wesley Sneijder

Xiddiga udhashey wadanka holland una ciyaara naadiga kadhisan dalka talyaaniga InterMilan ayaa waxa uu daaha ka qaadey in naadiga intermilan ey ula mid tahay sidii nin jooga gurigii hooyadii.

waxaa kaloo uu caddeeyey in uu aad ujecelyahay in uu joogo weligiiba naadiga intermilan, sniejder oo hadalkan ku beeniniya warar ey saxaafaduhu maalmahan danbe ey qorayaan, kuna sheegayaan in uu sniejder tegayo naadiga manchester united.

Wesley Sniejder waxa uu yidhi ” Ciyaartooyada naadiga intermilan oo ciyaartooyo raba badanaa sidii uu naadigoodu u guuleysan lahaa oo uu wax unoqon lahaa, magaalada milano waa magaalo aad u qurxoon oo dadka kunoolina ey aad iyo aad ufiicanyihiin waana jeclahay, sidaa daraadeed sabab aan uga tago naadigeyga iyo magaalada milano majirto waana ku furaxsanahay”

sidaa daraadeed waa in taageerayaasha naadiga intermilano ey ogaadaan in aanan kategeyn naadiga ayuu hadalkiisa kusoo gunaanadey Wesley Sniejder