Waxaa maalmahan dabbe dadka reer Somali-land Marfashayda iyo meelaha la isugu yimaado ay si aad ah ugu qaadaa dhigaayay Shirkii ay Q/Midoobay ku qabatay Magaalad Nayroobi ee dalka  kenya kaas oo lagaga hadlaayay sidii xal loogu heli-lhaa mushkilada labaatanka sano ka aloosan Soamliya iyo sidii loo maarayn lahaa Shirkaas oo ay Nayroobi u tageen dhinac Somalilanda ugan qab-galeen wafti uu hogaaminaayo Wasiirka arimaha dibadu inkastoo la sheegay in aanay waftigaasi meel la fadhiisan kooxihii badnaa ee ka-kala socday wadankii la isku odhan jiray Jamhuuriyada D/Somaliya

 

Si kastab ha ahaatoe hadaan u soo noqon dulucda ujeedada mawduuceena sare Wasiirka AR/dibada ee Somalailad Dr.Max/ed C/ilahi Cumar ayaa u muuqda mid fahamsan shaqada qaranka ee loo igmaday waxaanu u eegyahay nin ka midho dhalin kar Siyaasad arimaha dibad ee uu masuulka uga yahay qarankan mana aha arin la dafirki karo sida ay Wasaaradani fadhiidka u ahay mudadii  ka horaysay sand ku dhawaadka markii xilka ay qaagteen dawlada cusub ee Madaxwayne siilaanyo aadna way ugu mahdsantayahay xukuumadu gaar ahaan Wasiirku sida hufan ee uu habeen iyo maalinba ugu diyaarka yahay meelmarinta Shaqadiisa waanu ku saxan yahay in uu ka qayb galo Shir kaste oo lagaga hadlaayo arimaha Somaliy kana sheego badheedhihiisaq maadaama ay Somalya tahay cida qudha ee ay wax inagaga xidhan yihiin hadaynu nahay reer somaland waanay haboontahay in aynu marwalba Somaliya kala hadalno gooni istu taageen hada wixii ka danbeeya waana in laga baxaa arintii ahayd diidnayda ee in daashatay

in kastoo ay jiraan caqabado badn oo ku xeeran kuna salaysan faham daro Siyaasadeed iyo muran madhalays ah oo ka soo burqanaysa magaratada iyo qaybo tiro yar oo ka mid ah bulshadeena oon wali u bislaanin siyaasad iyo sida ay hadba janbi u dhigayso

 

Sidaasi daraadeed Wasiirku maaha in uu cid kale isu daba taagto shaqadiisa balse waa inuu siday tahay u meel maro una jiidho xanan ka iyo qodxata ku xeeran oo dhan kana dabo galaa huluul kaste iyo meel walba oo ay la gasho masuuliyada oo sida ay tahay loo gutaana  waxay ku jirtaa meel cidhiidh yoon iyo go,aan qaadasho adag` oo ku salaysan degenaansho sidaasi daraadeed maadaama aynu 20 sano ku jirnay koonteenar waa in markan aynu ka baxno una dhigno arinta si kale oo loo maareeyo xalkana lagu raadiyaa dariiqo kale oo ka duwan tii ay maamuladii idinka horeeyay ku hungoobeen  maadaama ayun ka dhaxalay waayo aragnimo badan labaatankaas Sanadood ee aynu ka soo gudubnay shacabka reer Somaliland waxaan u soo jeedin lahaa talo ahaan waa in aad masuuliyiinta qaranka uga qaadaan shaqadooda faraha  cidii loo igmaday ayuun baa u xil saarane hawlaha dalka kana daayaya golka nuuga iyo hadalada ku tiri kuteenka ah ee aad suuqa la yaacaysaan loomana baahna wakhtigan in Wasiirka lagu dhaleeceeyo shaqadiisa uu u tafo xaydan yahay goor walba iyo goob kastaba

 

Si kastaba ah ahaatoe waxaan ku soo koobi lahaa mawduuaygan Wasiirku Shaqadiisii ayuu gudanayaa balse bulshada ayaan wali fahmin waxay u xil saaran yihiin masuuliyiinta qaranku iyo shaqada ay hayaan walina waxaa inaga muuqata in aynaan fahmin dawldanimada iyo sida ay tahay waxaana iskaga keen khaldan nidaamkii daaqsatada ee ku dhisnaa noloshii awaw-yaasheen iyo tan casriga ah ee dawladnimadu hogaamiso waxaanse filayaa in aynu fahmi doono halka aynu u socono iyo jihada aynu ku aadanahay ilaahay idamkiis mustaqablka umadanina wuu ka bixi doonaa madawga iyo rajo la,aanta ka muuqata ee dhinacyada badan