Griezmann

Waxa uu carrabaabey mulkiilaha naadiga Realsociedad in aanu ka helin wax warar ah oo la xidhiidha iibsashada ciyaartoyga antoine griezmann

Waayadan danbeba waxaa hadal heynteedu badatey in haddii Barcelona lasoo wareegi kari weydo ciyaartoyga alex sanchez oo uciyaara naadiga udinese ee dalka talyaaniga, ey udhaqaaqi doonto xagaa iyo naadiga Realsociedad si ey heshiish ula gaadho ciyaartoyga da’da yar antoine griezmann

antoine griezmann oo ah 20 jir ayaa heshiis kula ilaa 2015 naadiga Realsociedad, waxayna shardi uga dhigtey naadiga Realsociedad naadigii raba ee iibsanaya antoine griezmann waa in uu miiska saaraa lacag gaadheysa 30 million oo euro ah