Inshallah tacaallaa waxaynu sharraxi doonaa sida aad usamayn lahayd page kudhisan luuqadda HTML

Tallaabada 1-aad

Waxaad soo kicineysaa Notepad, adigoo katagaya programs>>accecories>>notepad

Tallaabada 2-aad

Marka uu kuu soo baxo notepad waxaad ku qoreysaa code-ka noocan ah

<html>

                <head>

                                <title> Welcome To My first webpage </title>

                </head>

<body>

                This is my first webpage

</body>

</html>

Markaad intan code ah aad qortid waxaa browserka kasoo bixi doona this is my first webpage oo ku dhex qoran body tag dhexdiisa

Tallaabada 3-aad

Marka aad intaa ku qortid notepad, waad save garayneysaa, waxaad ku save garayneysaa tusaale ahan sidan oo Mainpage.htm/html.

Haddaan sii sharraxo qaybtani waa qaybta ugu muhiimsan waayo haddii aanad ku save garayn code aad qortey .html uma aqoonsanayo code-ka in uu yahay html waxa uu moodayaa qoraal caadiya debeeto wax saameyn ah kuma samaynayo laakiin haddii aad ku save garayso magac.html waxa uu ogaanayaa Browser-ku in uu yahay html code.

halkan ka eeg sida loogu qorayo Notepad HTML code, waxaad kasoo ka eegtaa sida loo save gareenayo

HTML

How to save