Nuno Gomez

Warar ey qoreen wargeysyada wadanka portugese ayaa tibaaxaya in mucjisada kubadda cagta ee deigo armando maradona uu doonayo ruug cadaaga weyn ee reer portugal Nuno Gomez si uu ukeeno naadiga AlWasl ee kadhisan dalka UAE.

Nuno Gomez oo heshiiskii uu kula jirey naadiga Benfica uu kadhamaadey ayaa waxaa aad udanaynaya maradona oo hore ugu fashilmey in uu keeno ciyaartoyga Deigo Forland oo uciyaara naadiga atletico madrid

Ciyaartoygan Nuno Gomez oo waayahan danbaba uu shiraaqdey xaggan iyo carbaha ayaa waxaa dooneysey naadiga AlEhli ee kadhisan wadanka masar laakiin warkaa waxaa beeniyey tobabaraha naadiga ALEHLI Manuel Jose oo sheegey in Nuno Gomez aanu kusoo baxayn naadigan sababto ah ayuu yidhi waa ciyaartoy aad u da’weyn oo lama qabsanayo garoomama masar.