villa boas

maamulka kooxda chelsea ayaa xalay ku dhawaaqdey inay tobabaraha kooxda u magaacaabeen andre villas boas oo ahaa tobabaraha kooxda porto ee ka dhisan dalka portugese si uu buuxiyo booska uu baneeyey bishii may ee sanadkan tobarahahi talyaaniga ee  carlo ancholott.

kooxda chelsea ayaa siisey nadiga fc porto lacag gaadheysa 15 million oo pound ah oo ay ku tirtirayaan heshiiskii uu kala jiray tobabarahan heshiiskii uu kula jirey naadiga fc porto.

waxaana larajaynaya saacadaha soo socda uu tababarahan usoo duuli doono xarunta kooxda chelsea ee london tobae villas boas oo lagu naanayso mourinho cusub ayaa daneenayen nadiyada waa weyn oo kadhisan qaaradda europe, ka dib markii xilli ciyaareedkii dhamaadey uhogaamiyey naadiga proto guul taariikhi ah ka dib markii sanadkii hore guadahiisa uu ka caawiyey in ey ku guuleystaan saddex koob oo kala ah uefa cup, portugese league iyo portugese cup 

tobabarahan cusub ee chelsea maa aha nin ku cusub shaqada kooxda waxa uu laba sano kala shaqeeyey oo uu gacan yare u ahaa macalinkii ugu guulaha badnaa ee soo mara chelsea jose mourinho

waxa sidoo kale tobarahani kala shaqeeyey moutinho sanadkii uu kooxda inter champions league u qaaday waxaanuu shaqadan macalinimada bilaabay isaga oo aad u da’yar