j sanchez

Waxay maanta oo jimco ah naadiga Malaga heshiis laga gashey joaquin sanchez, ciyaartoygan oo uciyaari jirey naadiyaasha kala ah realbetis iyo Valencia oo hadda laga soo iibsadey ayaa noqonaya ciyaartoy kamida naadiga Malaga sanadka soo socda, naadiga Malaga oo hadda maraysa ciyaartoygii toddobaad oo ey soo iibsadaan.

Lama sheegin ilaa xattal aan inta laga siistey ciyaartoygan (30 jir), laakiin saxaafadu Spanishku waxay tibaaxayaan in lagu kala iibsadey lacag gaadheysa 4 million oo euro, qalinkana uu kuduugey 4 sano oo uciyaari doono naadiga Malaga.

Naadiga Malaga oo hiigsanaysa sanadka danbe in ey soo gasho kaalmaha hore si ey uga qayb gasho European cups, Malaga oo sanadkii hore gashey kaalinta 11-aad ayaa waxa iibsadey maalqabeenu udhashey dalka Qatar.

Ilaa haddana waxay Malaga soo xero gelisey ciyaartoyada kala ah ruud van nistelrooy,  mathijsen  , monreal, Jérémy Toulalan