Pele

Boqorka kubadda cagta “pele” ayaa caddeeyey in lionell messi uu ka fogyahay sidii ku noqon lahaa mucjisooyinka kubadda cagta, Pele oo hadalkan yidhi kadib markii uu naadigiisii hore ee santos uu ku guuleystey libertadores cupka.

Warar sheegaya ayaan maqlayaa messi ayaa ka wanaagsan pele? Haddii uu sidaa jecelyahay waa in uu dhaliyaa 1283 goal si uu iisoo gaadho.

Pele waxa kaloo ujawaabey maradona oo beryahan danbe ku tiiqtiiqsanaayey xiddiga usoo kacaya brazil iyo kooxda santos Niemar kuna tilmaamey in uu yahay laacib akhlaaq daran, pele oo taa kajawaabayaa waxa uu yidhi  “Niemar oo ciyaartoy usoo kacaya kubada cagta, waxaan ku rajo weynahay in aanu noqon sida messi oo kale sababto ah messi waxa uu sifiican ugu ciyaaraa naadiga Barcelona xulkiisana waaka maalayacni.