Nin ayaa wuxuu arkay koox dhallinyaro ah oo raashin meel ku wadaagaya (isla cunaya). Intuu ku soo leexday ayuu dhakiisa ka galay.

Nimankii kale way is fiirfiiriyeen iyagoo la yaaban ninkan aysan aqoon oo cuntada iska soo galay bilaa fasax.

Waxay ku yiraahdeen “saaxiib ma qof baad naga garanaysaa?”.

Maya ayuu yiri “laakiin tan ayaan is naqaan” intuu cuntadii la cunayey farta ku fiiqey!!