jariiradaha kasoo baxa dalka england ayaa saaka qorey in naadiga manchester city ay halbeegsanayso ciyaartoyga reer brazil una ciyaara naadiga FC PORTO ee kadhisan dalka portugal “HULK”.

tobabaraha naadiga manchester city roberto mancini ayaa ka dhigey beddelka koobad ee ay doonayaan waa haddii ey waayaan alexis sanchez.

waxay kaloo wararku intaa raacinayaan in manchester city ey diyaar latahay lacag gaadheysa 20 million oo pound si ey uhelaan HULK, laakiin naadiga fc porto waxay ku dooneysaa ciyaartoygan 36 million, lacagtaas oo qaali ku noqon doonta naadiga city

HULK oo xilli ciyaareedkan usaftey naadigiisa 42 kulan dhaliyeyna 31 una horseedey in naadiga porto ku guuleysato Europpa league, portugese league iyo portugese cup.