Fiorentina

Mulkiilayaal udhashey wadanka Qatar ayaa waxay rabaan in ey gebi ahaanteedba la wareegaan naadiga Fiorentina ee ka ciyaarta League Calcio [Seria A]

 Waxaa xusid mudan in mulkiilayaasha carabta khaasanta kuwa kasoo jeeda dalka emirates iyo dalka qatar ay baryahan danbaba faro baas ku hayaan naadiyaasha ka dhisan qaarada europe, innagoo og in naadiga malaga ey iibsadeen mulkiilayaal udhashey dalka qatar, isla mulkiilayaashaa iibsadey naadiga malaga ay lawareegeen 70% naadiga kadhisan caasimadda dalka francese-ka PSG.