steven gerrard

Waxa uu steven gerrard ku celceliyey in naadigiisa liverpool ey dib ugu soo noqon doonto guulihii looga bartey, kuna tartami doonto sanadka soo socda Premier League iyo cups kale ee ay ka qayb geli doonto.

Steven Gerrard oo siiyey warbixintey wargeyska the sun ayaa waxa uu yidhi “waxaan rabaa in aan halkan uga sheego taageerayaasha naadiga liverpool in aanu idiin ballan qaadi doono guul iyo farxad maxaa yeeley waxaanu ku suganahay hadda wadadii saxda ahayd ee lanooga baahnaa”. 

Steven Gerrard oo hadda 31 jir ah ayaa waxa intaa sii raaciyey “naadigu hadda waxa uu haystaa ciyaartooyo ruug cadaaya ah kuna tartami kara koob kasta oo laqabto taasina waxay ubaahantay alamiito faro badan iyo in aanu aamino awoodahayaga”.