Nadiga Toronto Canada ayaa waxay ku dhawaaqdey saaka in ey lasoo wareegtey ciyaartoyga weyn ee rug caddaaga ah torsten Frings.

Torsten Frings oo 34 jir ah ayaa waxa uu katagey naadiga Werder Bremen ee kadhisan dalka Germany isagoo u hawo bedeshey League Canada, halkaas oo uu kaga sii horreeyey Tobabarhaa Jurgen Klinsmann oo ey hore uwada shaqeeyeen markii uu Jurgen Klinsmann watey xulka dalka germany 2006.

Heshiiska cusub ee uu lasaxeexdey naadiga Toronto Canada ayaa dhan laba sano iyo badh, Torsten Frings waxa yidhi “in aan goaankan qaato mey ahayn wax igu adag oo isla markii ey ila soo xidhiidheen naadiga Toronto hore ayaan uga aqbalay aniga oo ku xeerinaya Jurgen Klinsmann”

Torsten Frings oo hore ugu ciyaari jirey xulka sanadihii kala ahaa 2002-2006