Nicklas Bendtner

Naadiga ka dhisan wadanka portugese Benfica ayaa rabta in ey soo xero geliso ciyaartoyga u ciyaara naadiga arsenal Nicklas Bendtner, ciyaaryahanka oo naadiyaal farabadan doonayada sida Fulham , bayern munich iyo weliba Dortmund.

Si kastaba ha ahaatee ciyaaryahanka albaabkastaa wuu ufuranyahay, arsenal waxay rabtaa in ey ku iibiso 12 million oo euro ah naadiga intaa soo bandhigaana uu hor ka qaadanayo.

Maamulka Dortmund waxa ey la shir yimaadeen 7 million oo euro ah laakiin maamulka arsenal kamuu yeelin oo gaashaanka ayuu ku dhuftey, sababtoo ah nadiyaal farabadan ayaa lacag intaa ka badan ku donaya ciyaaryahanakan 23 jirka ah.

Benfica ayaa hadda iyaduna tartanka usoo gashey Nicklas Bendtner dooneysana in ey ku buuxiso booska uu banneen doono  oscar cordozo oo u wareegi doona naadiga Dynamo Kiev,