Florent Malouda

Ciyaaryahanka xulka Franceseka iyo naadiga chelsea florent malouda ayaa siiyey war saxaafadeed wargeys kasoo baxa dalka england laguna magacaabo express, waxaana uu ku caddeeyey in uu jecleysanayo sii joogitaanka naadiga chelsea aanu meelna ugu socon sanadadan soo socda.

Chelsea oo heshey tobabare cusub ayaa malouda waxa uu ka cabsi qabaa in uu waayo booskiisa oo fadhiistu gursiga sugaha ah.

Naadiyaal faro badan oo katirsan qaaradda europe ayaa doonaya ciyaartoygan, waxaana kamida labada naadi ee ka dhisan magaalada milan iyo weliba naadiga roma.

Malouda waxa kaloo uu warsaxaafadeedka ku caddeeyey in saaxiibtinimo fiican la leeyahay tobabaraha hadda la keeney naadiga, heshiiska aan naadiga kula jiraan waa ilaa 2013 waxaana jecelahay in aan sii joogo 2014 ugu yaraan