lionel messi

Kadib markii marti galiyaasha copa america ee argentina ay bareejo ku bilawdeen ayaa waxa ciyaartaasi ka hadlay ciyaaryahanka heysta abaal marinta xidiga adduunka ee reer argentina lionel messi.

Messi oo ay saxaafadu wax ka weydiisay dareenkiisa ayaa sheegey in kubadda cagta ey wax kastaa ka suurtogasho, barbardhacuna uu kamidyahay kubbadda cagta.

Waxa kaloo uu intaa kusii daray in aanu daris ka qaadaney koobkii adduunkii dhamaadey ee lagu qabtey south africa 2010, waxa uu yidhi Koobkii adduunka ayaanu ku bilowney guulo waaweyn waanad ogtihiin xaqiiqdii halkey ku dhamaatey guulahaasi iyo wixii nala soo darsey.

Messi waxa uu sheegey in ay hadda u baahan yihiin in ay kasoo kabtaan bareejadaasi waxaan a uu qiray in qofkasta aanu ku dhiiran karin in uu yidhaahdo waxay ku hadhayaan guruubyada waxana uu hoosta ka xariiqay in ay kasoo bixi doonaan guruubkoodda.