Samir Nasri

Samir nasri ayaa sheegay in diidmadiisa ah inuu qandaraas cusub usaxeexo kooxda arsenal ay tahay jacayl uu u qabo inuu koobab ku guuleysto oo aanay ahayn mid uu lacag ku raadinayo.

Nasri ayaa lagu soo waramayaa inuu arsenal ku wargeliyay in aanu dooneyn inuu heshiis cusub u axexo waxaana qandaraaskiisa haatan uu kooxda kula jiro ka dhiman muddo hal sano ah, waxaana loo badinayaa in arsenal iska iibin doonto waa haddii uu heshiis cusub saxeexi waayo.

Manchester city ayaa la rumeysanyahay in uu ku dhawyahay in ey lawareegto ciyaaryahankan khadka dhexe ugu ciyaara naadiga arsenal,

Sababta uu arsenal uga tegayo waxa uu yidhi “Koob la’aan kusoo habsatey kooxda arsenal iyo weliba iyada oo aan diyaar u ahayn in ey keento ciyaartooyo cusub oo tayo sarreysa ayaan ugu tegeyaa kooxda arsenal sidaasna ayaa igu kalliftey in aan mustaqbalkeyga ka fekero”.

Waxa uu hadalkiisa kusoo gabo gabeeyey “Lacag la’aan uguma tegeyo naadiga arsenal ee waxaan rabaa in aan kubadda cagta taariikh aan kaga tago”.