Geal Clichy

Naadiga manchester city ayaa maanta si kama danbeys ah ula wareegtey gael clichy difaaca naadiga arsenal, ciyaartoygan oo qalinka ku duugey heshiis dhan 4 sano ayaa waxa lasoo siistey 7 million oo euro ah.

gael clichy waxa uu noqonayaa ciyaartoygii saddexaad ee manchester city ey ka iibsato naadiga arsenal iyadoo oo hore uga iibsatey Adebayor iyo Kolo toure laba sano kahor.

Maamulka naadiga manchester city waxay kaloo carabaabeen in ey samir nasri kudaba jiraan si ey ugu soo daraan naadiga wakhtiga ugu dhow, city oo ladiyaara lacag gaadheysa 20 million oo euro diyaarna u ah wixii lagu yidhaahdo ku dar ayaa berritoolana la kulmeysa mulkiilayaasha naadiga arsenal.

Sidoo kale waxay naadiga manchester city rabtaa in ey soo xero geliso ciyaartoyga da’da yar savic oo uciyaara naadiga Bartizan Belgrad.