Fabio Coentrao

Waxa maanta oo salaasa ah ku dhawaaqeen kuna sheegeen website kooda gaarka ah in ey soo iibsadeen fabio coentrao.

Fabio coentrao oo 23 jir ah ayaa waxa uu lagalay heshiis lix sanadood ah, halka naadiga benfica ee uu kayimi ciyaartoygu la siin doono lacag gaadheysa 30 million euro.

Controa oo soo bandhigey ciyaar tayadeedu sarreyso labadii sane ee ugu danbeysey iskuna soo shaacsaarey mundial south africa 2010, ciyaartoygan oo waa hore diidey dalab uga yimid naadiga chelsea isaga oo sugayey heshiis ey lagasho naadiga realmadrid darteed.

Heshiiskan ey lagashey naadiga realmadrid fabio coentrao waxay dhalin doontaa tartan daran oo kadhici doona booska uu kaciyaaro Marcelo iyo Arbeloa haddana uu soo saddexeeyey ciyaartogani.