Zidane

Maanta oo kale 5/06/2001 waxa naadiga realmadrid ey soo iibsadeen Zidane kuna soo iibsadeed 75 million oo euro waxaana uu sidaa ku noqdey berigaas ciyaartoygii dunida ugu qaalisanaa ee abidkeed naadi iibsado, laakiin hadda waxa haysta recordkaa cristiano ronaldo oo lagu iibsadey 100 million oo euro sanadkii 2009.

Zidane oo kaga tagey kubadda cagta taariikho laxusuusan karo oo cajaabi ayaa waxa lagu tilmaamaa ciyaartoyga saddexaad ee ugu taariikhda weyn kubadda cagta.

Maalintan oo ugu fadhida maalin weyn taageerayaasha iyo mulkiilayaasha naadiga realmadrid ayaa si weyn oo farxadi ku dheehantahay looga xusaa magaalada madrid.

Wargeyska MARKA ayaa waxa uu maanta cinwaan uga dhigey boggiisa hore “maanta hadal badan looma baahna” taas oo uu uga jeedey in zidane lala soo wareegey oo riyadii taageerayaasha realmadrid wakhtigaas ey dhabowdey.

Zidane oo uciyaarey naadiga realmadrid 225 ciyaar waxa uu dhaliyey 49 goal, goolkiisii ugu taariikhda fiicnaa ee udhaliyeyna waxay ahayd goalkii uu ka dhaliyey naadiga bayern leverkuson 2001 final champions league kaas oo ey realmadrid ku muteysatey in ey noqoto horyaalka naadiyaasha europe.