samir nasri

Steve Bruce

Tobabaraha naadiga sunderland steve bruce waxa uu ku guuleystey in uu naadiga kusoo daro laba ciyaartoy oo kayimi naadiga manchester united waxayna kala yihiin west brown iyo john  oshea.

Ideye Brown

Naadiga dynamo kiev ee kadhisan dalka ukraine ayaa waxay soo iibsatey ciyaartoygii afraad intii lagu guda jirey suuqa kala iibsiga ciyaartooyada, ciyaartoygan oo udhashey dalka Nigeria ayaa waxa uu uciyaari jirey naadiga Fc Sochaux ee kadhisan dalka fransiiska, ciyaartoygan oo lagu magacaabo  ideye brown ayaa laga siistey lacag dhan 8 million oo euro.

 

Sporting Lisbon

Naadiga sporting lisbon ee kadhisan wadanka portugese ayaa waxa uu soo iibsadey ciyaartoyga Bojinov oo uciyaari jirey naadiga Parma waxaana lakala siistey ciyaartoygan laba million iyo badh euro ah.

 

Arsene Wenger

Tobabaraha naadiga arsenal arsene wenger oo doonaya weeraryahanka naadiga realmadrid karim benzema kuna doonaya lacag gaadheysa 27 million oo pound.

 

Samir Nasri

Naadiga arsenal oo gaashaan ku dhufatey doonis ay dooneyso naadiga manchester united samir nasri, manchester united oo ku dooneysey 22 milion oo euro ah ayaa waxa mulkiilayaasha iyo tobabaraha naadiguba isku raaceen in aan Samir Nasri aanu iib ahayn sanadkan.