Fabio Cannavaro

Ciyaaryahanka udhashay xulka dalka talyaaniga kana mid ahaa guulwadayaashii ku guuleystey world cup 2006 ayaa waxa uu maanta goaan ku gaadhey in uu soo afjaro ciyaarista kubadda cagta, waxaana uu ku dhawaaqey in uu iska casiley kubbada cagta dhaaawac kasoo gaadhey jilibka daraadii.

Fabio Cannavaro oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Maanta waxay ii tahay maalin murugu leh xaggeyga, kubadda cagtu waxay ahayd nolosheyda 20 sano in kudhodhow, maanta ma awoodo in aan sii wado kubadda cagta”

Waxa kaloo uu intaa ku daray “waxaan goaansadey in aan kubadda cagta ciyaaristeeda joojiyo kadib markii aan qalliinku galay dhaawac igu yimid, halkaas oo dhakhtaradiiiqalayey ay igula taliyeen in aan joojiyo kubbada”

Fabio Cannavaro oo waayadan danbebe kaciyaarayey league UAE ayaa waxa uu heshiis 3 sano ah kula jirey naadiga AlEhli ee kadhisan wadanka Emirate-ka, naadigan oo hadda kula shaqayn doono guddoomiye iyo madax oo kale.

Fabio Cannavaro oo 37 jir ayaa waxa uu bilaabey ciyaarista kubadda cagta sanadkii 1993 isaga oo waagaa uciyaari jirey Naadiga Napoli, markii danbana uu aag bedeshey naadiga Roma, ugana sii wareegey naadiga Inter-Milan, sanadkii 2004
waxa uu heshiis lagalay naadiga Juventus, 2006 markii ay ku guuleysteen world cup-ka, gaar ahaanna Fabio Cannavaro lagu doonsiiyey in uu noqdo xiddiga caalamka ugu wanaagsan  ayaa waxa uu heshiis lasexeexdey naadiga realmadrid halkaas oo uu kaciyaarayey ilaa 2009 kadibna uu kusoo laabtey naadiga juventus markii danbena uu ka danbeeyey naadiga Al-Ehli