Luka Modric

Kooxda Chelsea ayaa u gudbin doonta Tottenham dalab hor leh oo ka weyn kii hore oo ay ku dooneyso kubadsameeyaha Spurs Luka Modric sida ay ogaatay Sky Sports.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Croatia ayaa bartamaha kaga jira jahwareer kala iibsi ah, kaasoo haatan bilaabaya inuu u jeesto dhankiisa xumaa madaama Luka Modric iyo agaasimaha kooxda Daniel Levy ay isweydaarsadeen hadalo iska soo horjeeda.

Chelsea ayaa laga diiday 22 milyan oo ginni bilowgii xagaagan, lakiin haatan kooxda Cheslea ayaa diyaar u ah inay kordhiso lacagta ay ku dooneyso Modric.

Arinta ka danbeysa lacag kordhinta Chelsea ayaa la aaminsan yahay inay tahay iyadoo la filayo in 25 jirkaasi uu gudbiyo warqada uu ku codsanayo in la fasaxo.

Levy ayaa todobaadkii hore sheegay in aan Modric loo ogolaan doonin inuu ka tago kooxda, lacag kasta oo lagu soo dalbado.

Modric ayaa isna sheegtay in balanta looga baxay, islamarkaana loogu hanjabay inuu ciyaaraha ka fiirsan doono taribuunka, hadii uu sharfi waayo qandaraaskiisa.