Arsenal: Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay inay si rasmi ah u la soo wareegtay laacibkii kooxda Lille Gervinho, kaasoo muddo todobaad ah wadahadal kula jiray Gunners.

Napoli: Kooxda Napoli ayaa ugu danbeyn la wareegtay laacibka kooxda Udinese Gokhan Inler, kaasoo ka soo qeyb galay soo bandhigista maaliyada cusub ee Napoli.

Lazio: Kooxda Lazio aya xaqiijsay afar ciyaaryahan oo ay la soo wareegtay, daafacii Genoa Abdoulay Konko, goolhayihii Cagliari Federico Marchetti, Senad Lulic oo ka yimid kooxda Switzerland ee Young Boys, iyo Marius Stankevicius oo kaga soo biiray kooxda Sampdoria.

Malaga: Kooxda Malaga ayaa ku dhawaaqday imaanshiyaha laacibka Isco kaasoo ay ka soo iibsadeen kooxda Valencia, 19 jirkaasi ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sanno ah.

Qatar: Xiddigii hore ee xulka Brazil Ze Roberto ayaa iska diiday inuu heshiiska u kordhiyo kooxda Hamburg SV isagoo ku biiray kooxda ka dhisan dalka Qatar ee Al Gharafa.

Stoke City: Kooxda Stoke ayaa la soo wareegtay ciyaaryahanka xorta ahaa ee ay iska fasaxday Tottenham Jonathan Woodgate, isagoo u saxiixay heshiis hal sanno ah