Samir And Cesc

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay inay tahay in Cesc Fabregas iyo Samir Nasri ay kooxdiisa sii joogaan si Arsenal ay uga sii mid ahaato kooxaha waa weyn.

Fabregas, ayaa muddo lala xiriirinayay inuu ku laabanayo kooxda heysata Champions League ee Barcelona, halka Nasri isna qandaraaskiisa ay kaga harsan tahay 12 bilood, iyadoo ay xiiseynayaan labada kooxood ee Manchester iyo Chelsea.

Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa xagaagan waxaa ka tagay Gael Clichy oo ku biiray City, waxaana tababarahooda uu qirtay inaysan awoodin inay waayaan ciyaarahano kale.

Wenger ayaa yiri sida laga soo xigtay Daily Mirror: “Qiyaas xaalada ugu xun- Inaan weyno Fabregas iyo Nasri, kama dhaadhicin kartid dadka inaad himilo leedahaday markaas ka dib”

“Xitaa hadii aad weyso Nasri, inaad hesho ciyaaryahan tayadiisa leh waxa aad u baahan tahay inaad qarashgareyso lacag la mid ah tii aad ku iibisay. Sababtoo ah ma dhihi kartid ciyaaryahan ayaa iga tagay mana bedelaayo”

“Waxaan  aaminsanahay inay muhim noo tahay fariinta aan direyno. Tusaale ahaan, waxaad ka hadleysaa Fabregas iyo Nasri oo baxaya”

“Hadii aad fariintaas dirto, ma isku maleyn kartid inaad tahay koox weyn, sababtoo ah koox weyn marka ugu horeysa waxa ay ceshataa ciyaartoydooda waaweyn, waxaana ay fariin u diraan kooxaha kale ee waa weyn oo ay u sheegaan inaysan iska imaan karin oo qaadan karin laacibiintooda.”

“Shaqo badan ayaan gelinay sannado badan inaan horumarino ciyaartoydan, haatan waxaa la joogaa xilligii aan wada ceshan lahayn dhamaantood”

Kooxda Emirates ka dhisan ayaa diiday xagaagan dalabyo 31 milyan oo euro ah iyo 39 milyan oo euro ah oo ay soo bandhigtay Barcelona, iyadoo Madaxweynaha Camp Nou uu sheegay in qiimaha Cesc Fabregas uu hoos u dhacay.

“Sharaf dhac ayay ku tahay Cesc” ayuu yiri Wenger. “Waxaan ku qiimeyaa Cesc meel sarre. Anigaa ahan waa ciyaaryahan sarre, waxa uu hubaashii ku jiraa shanta ciyaaryahan ee khad dhexe ee adduunka ugu fiican”

“Anaga ahaan, su’aasha kama taagna lacagta. Su’aasha waxa ay ka taagan tahay Cesc oo raba inuu anaga nala joogo. Waxaana u maleynayaa inuu kala dhantaalan yahay sababtoo ah si aad ah ayuu kooxdan u jecel yahay”

“Waan u dagaalami doonaa ilaa ilbiriqsiga ugu danbeeya si aan u ceshano” ayuu hadalkiisa ku koobay