Jouse Mourinho

Kooxda Real Madrid waa dhameystiran tahay lakiin waxaan weli ka maqan hal weeraryahan, sidaas waxaa yiri tababare Jose Mourinho.

Real ayaan awoodin xilli ciyaareedkii hore inay ka sarre marto Barcelona, waxaana xagaagan ay kooxdooda ku soo dareen ciyaartoy dhowr ah, labo khad dhexe ka ciyaarta Nuri Sahin iyo Hamit Altintop, labo daafac ah Raphael Varane iyo Fabio Coentrao iyo hal weeraryahan Jose Callejon.

Warar ka soo baxaya saxaafada Spanishka ayaa warinayay in kooxda ay dooneyso weeraryahanada Sergio Aguero iyo Neymar kuwasoo ka qeyb qalaya haatan Copa America.

“Waxaan go’aansanay inaan horumarin ku sameyno kooxda, anagoo ilaalineyna qorshaha kooxda mustaqbalka” ayuu Mourinho ku yiri wareysi uu siiyay website-ka Real Madrid.

“Waxaan la saxiixanay ciyaartoyda aan isleenahay muhim ayay u yihiin in kooxda lagu dhameystiro, anagoo markii horeba heysanay koox xoog badan. Fekrad ahaanteyda iyo qof walbaba tiisa waxaa naga maqan hal nin, waa hal weeraryahan” ayuu yiri Jose Mourinho

Ciyaartoyda Real ayaa tagay talaadadii Los Angeles halkaasoo ay ugu bilaabaneyso socdaan ay sidoo kale ku marayaan Germany, England iyo China.

Waxa ay 17ka July la ciyaarayaan kooxda David Beckham uu u ciyaaro ee LA Galaxy.