ARSENAL FC

Booqashada ay Arsenal ku mareyso Asia ayaa waxa ay ku bilowdeen si raaxo leh ka dib markii ay 4 gool iyo waxba ugu qubeeyeen xiddiga Malasyia ciyaar ka dhacday Bukit Jalil National Stadium.

Arsenal ayaa sannadka iska joojisay safarkii ay ku tagi jireen Austria, iyagoo markaan fursado xayaysiin ah u soo aaday Asia, waxaana ay aheyd garoonka Bukit Jalil National Stadium halkaasoo Samir Nasri oo bedel ku soo galay qeybtii danbe ee ciyaarta uu u ciyaaray kooxdiisa Arsenal xilli mustaqbalkiisa kooxda shaki la gelinayo.

Aaron Ramsey ayaa gool rigoore ah ku furmay ciyaarta oo shan daqiiqo socota, Theo Walcott iyo Carlos Vela ayaana goolasha kale u sii raaciyay, Thoms Rosicky ayuuna ahaa ciyaaryahankii gool madax ah ku soo xiray waqtigoo dhamaad ah.

Arsene Wenger ayaa sidoo kale ciyaarsiiyay Carl Jenkinson kulankiisii ugu horeeyay ka dib markii uu xagaagan kaga soo biiray kooxda Charlton, halka taageerayaasha Asia ee Arsenal ay markii ugu horeysay daawadeen weeraryahanka reer Japan Ryo Miyaichi, kaasoo xilli ciyaareedkii hore amaah ugu ciyaarayay Feyenoord.