Cesc & Wenger

Tababare Arsene Wenger ayaa si carro leh kaga jawaabay hadaladii uu sheegay ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Barcelona Xavi ee ku saabsanaa Cesc Fabregas.

Tababaraha Gunners ayaa weli wada inuu meel iska dhigo wararka suuqa wareegaya ee ku aadan mustaqbalka kabtankiisa.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa hore u sheegay inuu jeclaan lahaa inuu ku laabto kooxdiisi hore ee Barcelona.

Hadaladiisaas hore ayaana keenay in Camp Nou ay jawaabo kala duwan ka bixiyaan, sida ciyaaryahan Xavi oo aad u taageeraya inuu heshiiskaas dhaco.

Ciyaaryahanka ku guuleystay koobka aduunka ayaa sidaasi sameeyay arbacadii isagoo la hadlayay website-ka kooxda Barcelona. Waxa uu yiri:

“Waan la hadlay Cesc markii uu joogay Ibiza, waxaana uu  ii sheegay inuu  dhibtoonayo sababtoo ah waxa uu rabay inuu yimaado”

“Waxa uu sameeyay wax walba uu halkaan ku imaan karay, waxaana uu doonayaa inuu ka tago Arsenal, inkastoo uu cadeeyay in wax walba ay ku xiran yihiin kooxda iska iibineysa” ayuu yiri Xavi.

Wenger ayaa ka xumaaday in Xavi uu ka hadlo wax aan isaga quseyn, waxaana uu qiray inuu ka daalay hadaladiisa.

“Waxa muhimka ah ayaa ah in Cesc Fabregas uu qandaraas kula jiro Arsenal. Xaqiiqda waxa ay tahay Arsenal waxa ay dooneysaa inay ceshato, wixii ka soo hara waa iska hadal” ayuu yiri Wenger sida ay qortay Sky Sports News.

“Hadii Barcelona ay ku jiri laheyd booska aan hada ku jirno, waxaana aamisanahay ixtiraamka labada kooxood u dhaxeeya in hadalada ceynkaan oo kale ah aan joojin laheyn”

“Hadii ay run tahay waa sharaf dhac, ma ahan markii ugu horeysay ee Xavi uu ixtiraami waayo Arsenal” ayuu hadalkiisa ku koobay