Stewart Downing

Kooxaha Liverpool iyo Aston Villa ayaa ka heshiiyay saxiixa ciyaaryahanka garabka ka ciyaara Stewart Downing, waxaana la rumeysan yahay inay Reds ku iibsaneyso 20 milyan ginni.

Ciyaaryahankii hore ee Middlesbrough Downing ayaa muddo badan lala xiriirinayay kooxda Liverpool, waxaana haatan Liverpool ay wadahadalo la bilaabeysaa 27 jirkaasi.

Warbixin qoraal ah oo la soo dhigay website-ka Liverpool ayaa lagu yiri: “Liverpool waxaa haatan loo ogolaaday inay ciyaaryahanka kala hadlaan heshiiska shaqsiyadeed islamarkaana ay tijaabada caafimaadka marsiiyaan”

Villa ayaa ka diiday Reds dalab 12 milyan oo ginni iyo 15 milyan ginni ahaa, waxaana tababare Alex McLeish uu doonayay in Downing uu sii joogo Villa Park.

Lakiin dalabkii ugu danbeeyay Liverpool oo la aqbalay ayay labada kooxood diideen inay shaaciyaan.

Waa ciyaaryahankii 3aad oo Liverpool ay la soo wareegto xagaagan, waxaa hore u yimid Charlie Adam iyo Jordan Henderson