Wesley Sneijder

Agaasimaha guud ee kooxda Manchester United David Gill ayaa lagu soo waramayaa inuu ku sugan yahay Milan si uu u dhameystiro heshiiska ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Inter Wesley Sneijder.

Kooxda heysata horyaalka Ingariiska ayaa waxa ay ku dhowdahay inay soo gabgabeyso heshiis 35 milyan oo ginni ah oo ay ku dooneyso ciyaaryahanka reer Netherlands, 24 saac ka dib markii agaasimaha dhinaca farsamada Inter Marco Branca uu sheegay in ciyaaryahanka reer Dutch inuusan iib aheyn.

Warar soo baxayay saaka ayaa sheegaya in United ay kasooni ku qabto inay hesho Sneijder, lakiin waxaa heshiiskooda caqabad ku ah mushaharka uu doonayo ciyaaryahanka oo la rumeysan yahay inay gaareyso ilaa 250 kun oo ginni todobaadkii.

Sida ay sheegeyso Goal.com, madaxda United ayaa 24kii saacadood ee u danbeysay ku sugnaa Italy, si ay xal uga gaaraan heshiiska 27 jirkaasi.

Ilo xog-ogaal ah oo aan la magacaabin ayaa u sheegay website-ka goal.com sida tan:

“Wafuud ka socota United ayaa yimid Milan, waxaana ay la kulmeen agaasimayaasha Inter”

“Waxaa jiray kulan dhexmaray labada dhinac”

“United, waxa ay u muuqataa mid aad u dooneysa Sneijder, hadii ay la kulmaan lacagta lagu qiimeeyay ciyaaryahanka heshiiska waa uu dhici doonaa”

“Heshiiskan waxa uu muuqdaa mid dhici doona, lakiin waqtiga uunbaan la ogeyn”