Pato And Neymar

Weeeraryahanada Alexandre Pato iyo Neymar ayaa min labo gool kala dhaliyay iyadoo Brazil ay 4-2 ku dubatay xulka Ecuador, waxaana ay u gudbeen wareega 8da ee Copa America.

Pato ayaa hogaanka u dhiibay Brazil daqiiqadii 28aad ee ciyaarta, ka hor inta uusan barbareyn Felipe Caicedo.

Neymar ayaa kubad qurux badan uga dhigay 2-1 wax yar ka dib qeybtii danbe ee ciyaarta, hadan Caicedo ayaa mar kale barbareeyay.

Lakiin Pato ayaa ciyaarta 3-2 ka dhigay, halka Neymar uu ciyaarta hurdo u diray ka dib markii uu dhaliyay goolkii afaraad.

Brazil ayaa haatan wareega 8da axada la ciyaari doonta xulka Paraguay.

Kulankii kale ee Group B waxa uu ku dhamaaday Paraguay 3-3 Venezuela, waxaana labada xulba ay u gudbeen wareega 8da, Venezuela waxa ay soo gashay kaalinta labaad iyadoo ka danbeysa Brazil.

Halka Paraguay ay ku soo baxday mid ka mid ah labada kooxood ee ugu fiican ee ku dhameystay kaalinta 3aad.

Isku aadka wareega 8da ee Copa America:

Colombia vs Peru

Argentina vs Uruguay

Brazil vs Paraguay

Chile vs Venezuela