Sergio kun Aguero

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina  Sergio Aguero ayaa meesha ka saaray suurtogalniada inuu ku soo laabto xilli ciyaareedka cusub kooxda Atletico Madrid.

Weeraryahankan ayaa sheegay bilowgii xagaagan inuu ka tagayo Atletico Madrid ka dib shan sanno oo uu kooxda la soo qaatay.

Real Madrid iyo Juventus ayaa labadoodaba la ogyahay inay xiiseynayeen ciyaaryahanka, lakiin labada kooxood midkoodna ma doonayo inuu bixiyo lacagta lagu xiray ee ah 45 milyan euro.

Manchester City ayaase la rumeysan yahay inay lacagtaasi diyaar la tahay marka ay meeleyso weeraryahanka doonaya inuu ka tago ee Carlos Tevez.

Aguero oo haatan la maqan xulkiisa Argentina ayaa sheegay inuusan xiran doonin maaliyada Atletico marka uu ka soo laabto Copa America.

“Waan la hadlay kooxda, waxaana soo saaray warbixin qoraal ah, haatan wakiiladeyda ayaa kala hadlaya Atletico sidii aan uga tagi lahaa” ayuu Aguero u sheegay ESPN.

“Ma aqaan xilliga heshiis la gaari doono, lakiin waxaan rabaa inaan dhamaan ogaado marka uu Copa America dhamaado”

“Ma ku laabanayo Atletico taasi waa cadahay. Waxaan u baahanahay hawo cusub”

Aguero ayaa haatan hogaaminaya gool dhalita Copa America isagoo leh seddex gool, waxaana labo ka mid ah uu dhaliyay kulankii ay Argentina 3-0 kaga badisay xulka Costa Rica isniintii.

Dhinaca kale daafaca kooxda Athletico Madrid Diego Godin ayaa la siiyay dhalashada dalkaasi Spain.

Ciyaaryahanka reer Uruguay ayaa deganaa Spain waqti dheer oo uu haatan ku qaadan karo dhalashada wadankaas, waxaana lagu dhaarin doonaa dastuurka dalkaas marka uu ka soo laabto Copa America oo uu haatan u ciyaarayo xulka wadanka uu ku dashay ee Uruguay.

Waxaana tani ay war fiican u tahay Atletico oo xilli ciyaareedka danbe laga doonayo ugu yaraan seddex ciyaaryahan oo aan heysan dhalasho yurub ah