Andres iniesta

Xiddiga naadiga Barcelona iyo xulka dalka Spain Andreas iniesta ayaa faallo gaaban ka bixiye xilli ciyaareedka soo socda kuna tilmaamey in uu ka adkaan doono sanadihii ina soo dhaafey.

Waxa kaloo uu caddeeyey oo uu sheegey “ run ahaantii saddexdii sano ee ina soo dhaafey waxay barcelona iyo taageerayaasheedaba u ahaayeen sannado taariikhiya oo aan la ilaabi karayn, laakiin xilli ciyaareedkan soo socda sidii hore wuu ka adkaan doonaa sidaa daraadeed waa in lafeejignaadaa oo dhaawaca la iska ilaaliyaa”

Waxaa kaloo uu intaa ku daray in ciyaaryahanadu ey ciyaarkasta oo kusoo fool leh ey ula dhaqmaan heerka iyo ahmiyadda ay leedahay

Waxaa kaloo xusid mudan in naadiga Barcelona uu ciyaari doono ciyaar saaxiibtinimo  naadiga ka dhisan dalka Croatia Hajduk Split maalinta sabtida, naadigan oo udabaal degeya 100 guuradii kasoo wareegtey markii la asaasey naadiga.

Waxay kaloo kujiraan wareegey audi cup oo lagu qaban doono magaalada Munich ee jarmalka, wareegaas oo ay ciyaarta hore la ciyaari doonan naadiga International ee kadhisan dalka Brazil, ciyaarta kalana laciyaari doonaan waa haddii ay soo baxaane Milan iyo bayer munich kii soo baxa.