phil jagielka

Naadiga Arsenal oo dooneysa difaacyahanka naadiga Everton phil Jagielka, Tobabaraha naadiga arsenal arsena wenger ayaa ku tilmaamey ciyaartoygan in uu kamidyahay difaacyahanada ugu fiican premier league sidaa daraadeed waxa uu ku doonayaa lacag gaadheysa 18 million oo euro.

Naadiga Everton oo sanadkii hore u diidey naadiga arsenal oo ku dooneysey lacag gaadheysa 12 million oo euro.

Waxay kaloo uu caddeeyey wargeyska SportsMail in tobabaraha naadiga arsenal uu hore iskugu dayey sidii uu usoo xero gelin lahaa, laakiin uu ka diidey tobabaraha naadiga everton david moyes, waxaana lagayaabaa in ey sanadkan iibiso naadiga everton sababtoo ah lacagta fiican ee ay soo bandhigtey naadiga arsenal taas oo uqalanta phil jagielka oo 28 jir ah.