Samir And Cesc

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay mar kale in Cesc Fabregas iyo Samir ay labadoodaba ku faraxsan yihiin kooxda.

Fabregas ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Barcelona, halka Nasri isna la iska dhexmarayo in Manchester City ay dooneyso iyadoo ciyaaryahanka reer France qandaraaskiisa uu hal sanno ka harsan yahay.

Isagoo ka hadlayay booqashadii ay Arsenal ku tagtay Asia waxa uu Wenger u sheegay Arsenal Magazine:

“Baahida ciyaartoyda kaliya mahan wax la xiriira kubada cagta, waxa ay noqon karaan lacag ama qaarkood dareen”

“Arinta Fabregas, waa uu kala dhantaalan yahay waxa uu u dhaxeeyaa Barcelona oo ah halkii uu ku soo koray iyo Arsenal oo ah halkii uu wax ku bartay. Arimo dhaqaalo mahan”

“Nasri waa la mid- labadoodaba waa ay jecel yihiin kooxda waana ay nagu faraxsan yihiin. Waxaan rajeyneynaa in labadooba iyagoo faraxsan aan halkaan ku heyno” ayuu hadalkiisa raaciyay Arsene Wenger