Alexis Sanche

Heshiiska waxaa ku jira lacago dheeri ah oo gaaraya 11.5 milyan euro, kuwasoo la bixin doono xilli ciyaareedka soo socda marka Sanchez uu bilaabo inuu u ciyaaro kooxda heysata horyaalka Spain iyo kan Yurub.

“Udinese iyo FC Barcelona waxa ay gaareen heshiis kama danbeys ah oo ku aadan saxiixa Alexis Sanchez” ayaa lagu yiri warbixin qoraal ah oo la soo dhigay webka Barcelona.

22 jirkaan ayaa qalinka ku duugi doono heshiis shan sanno ah marka uu maro tijaabada caafimaadka sida Barcelona ay sheegtay.

Weeraryahanka aadka loo qadariyo ayaa waxa uu booska joogtada ah kula tartami doono laacibka sannadka adduunka Lionel Messi, David Villa iyo Pedro.

Imaanshiyihiisa Catalan ayaa waxa ay dardar gelin doontaa in ciyaaryahanka reer Spain Bojan Krkic uu u dhaqaaqo kooxda AS Roma.

Sanchez ayaa isagoo da’ yar ah waxa uu u ciyaari jiray kooxda Chile ee Cobreloa, waxaana gool dhalintiisii waagaas uu ku muteystay in loogu yeero naaneesta “Wiilkii cajiibka ahaa”

Ka dib markii uu ku soo biiray Udinese waxa uu amaah ugu ciyaaray kooxda Colo Colo ee dalka Chile iyo River Plate ee dalka Argentina ka hor inta uusan ku laaban Italy oo boos jogta ah ka helin Udinese xilli ciyareedkii 2008-09.

Waxaa loogu codeeyay ciyaaryahanka sannadka ee Serie oo ay bixisay jariirada Gazzetta dello Sport, ka dib markii uu shabaqa ku hubsaday 12 gool islamarkaana uu kooxdiisa ka caawiyay inay gaaraan Champions League.